وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏”‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏”‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏
Muhiimada Barashada Qur’aanka Kariimka ah
وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏”‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏”‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.

Cuthmaan binu Cafaan (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W) wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kiina Qur’aanka Barta ee dadka kalana sii bara. (Bukhaari).

Qur’aanka iyo Axaadiista nebiga (S.C.W.) waa halka qura ay ka soo fulaan sharciga iyo xukunka Islaamka. Qur’aanku waa hadalkii Alle ee loo waxyoodey nebiga (S.C.W.). Wuxuuna u yahay muslimiinta meel iyo waa ay joogaanba isha koowaad aan ka hadalka leheyn iyo ilaaliyaha xukunka iyo xeerarka oo idil.

Dhamaan umada muslimka waxaa waajib ku ah inay Diinta Islaamka bartaan oo fahmaan kuna dhaqmaan.Qur’aanka bartaan, akhriyaan oo fahmaan kuna dhaqmaan oo nolashooda ku dabakhaan, si ay raali ahaanshaha Alle u helaan oo adduunka intaynu joogno ku badbaadno aakhirana Janno ku helno oo caddaab kaga badbaadno.Waa waajib saran dhamaan qofkasta oo Islaam ah inuu diinta Islaamka barto ubadkiisa iyo wixii uu masuul kayahayna baro kadibna ku dhaqmaan oo waajibaadka iyo xilalka Alle dadka saaray si wanaagsan loo guto. Qofku haddii aanu qur’aanka baran oo aanu fahmin kuma dhaqmi karo waajibkii Alle SWT uu adoonka ka rabayna ma fulinkaro. Takale nolasha adduunku way ku adkaan kartaa qofka aan diinta Islaamka baran ee aan fahmin.

Al-Xamdu-lillaah: Ilaahay baa mahadleh, waxaa noo farxad ah in ay maanta noo suura gashay inaanu idiin soo bandhigno Macallimiin guryahiina wax idiinku dhiga oo waliba idin baraarujiya idinka iyo carruurtaba. Runtii waa fursad qaaliya oo qofkasta u sahlaysa inuu barto Qur’aanka iyo dhamaan cilmiga iyo caqiiddada Diinta Islaamka. Waliba isaga oo gurigiisa jooga ay suurtagal u tahay inuu macalin toos wax ugu dhigo adiga, carruurtaada iyo cidkasta oo qoyskaaga ka mida ama aad masuul katahay.

Waxaa suuragala in masaajidku kaa fogyahay ama malcaamadu, wakhtina aanad u hayn inaad caruurta gayso haddii aad gaysana aanad la socon waxa maalin kasto loo dhigo. Intabadana qurbo jooga intayar ee nasiib u hesha Madarasadaha iyo malcaamadaha masaajida waxaa dhacda in ay macalimiintu yaryihiin kadibna 30-50 arday uu macalin kaliyi hal fasal wax ugu wado dhigo oo kadib wakhtiba aanu u helin arday kasta inuu siiyo 10 mirir ama wax ka yar. Waxaa kale oo jirta in soomali badan gaar’ahaan kuwa ku nool  Europe, America, Canada, Australia iyo wadamo kale oon muslim ahayn inay lakulmaan dhibaato wayn oo ah: inaanay haysan cid diinta Islaamka barta iyaga iyo ubadkoodaba.

Haddaba anagoo halkaas ka duulayna ujeedadayaduna tahay in la dhiso qoys soomaaliyeed oo islaam dhaba ah, aqoon diineed iyo mid aduunyabana wata oo tayo leh in la hirgaliyo oo loo dhaqaaqo. Sidaas awgeed ayaanu aasaasnay ISLAMIC SOMALI FAMILY ACADEMY  oo macnaheedu tahay TACLIINTA DIINTA ISLAAMKA EE QOYSKA SOOMAALIYEED. Tacliinta Diinta Islaamka ha la barto marka la leeyahay waxaad moodaa in dad badani u qaataan in lala hadlaayo qofkii raba inuu sheekh caalima noqdo. Dadka in kalana waxay qawadaanba heerka caalimnimada lafteeda oo waxay u arkaanba in aanu ahayn wax wakhti lagu lumiyo marhadii uu wadaad ama sheekh masaajid fadhiiya uun xaalkiisu ku dambeynaayo waxaa dhaanta isagoo wiillkaagu jaamacadaha aduunka ee uu ku gaadhaayo madaxtinimo ama lacagbadan ha kuu dhigto, diintana hayska jajabsado. Runtii waa wax jira in dad badan oo muslim ahi figradahaas iyo kuwa ka daran ba qabaan taasna waxaa la odhan karaa waxaa keenaysa in qofku sidaas u fikiro aqoon darrida diinta.

Laakiin barrashada diintu waa islaam ahoow oo Rabbigaa u acaabud sidii uu ku amray weeye. Erayo kale haddii aan ku idhaahdo: bal ka soo qaad haddii aan shaqo ku siiyo  gaadhi cusubna ku siiyo oo aan ku idhaahdo gaadhigaas ku soo shaqo tag maalin walba, gaadhiga sida loo wadana aanad garanayn! Soow laba mid uun kuuma joogto inaad barato sida gaadhiga loo wado iyo inaad shaqada weydo, dabcaan haa weeye jawaabtu.  Barashada diintuna waa inaad diinta barato intii karaankaaga ah oo aad ilaahay siduu ku yidhi ii caabud u caabudo kadib janno hessho iyo inaad taas diido oo Alle caasido oo aad naar gasho. Dhamaan acmaasha qofka islaamka ahi sameeyo oo dhan waa cibaado uu Rabbigii abuuray uu ugu hogaan sanyahay, oo talaabo kasta uu qaado uu ka fikiraayo inuu Alle ku raaligaliyo si uu uga badbaado caddaabka naarta jannona ku hello.

Waa in maanka iyo maskaxda lagu hayaa in aqoon Islaami ah oo sax ahi dhiseyso nolol macno iyo qiimo leh oo mira dhalisa, laguna liibaano aduun iyo aakhiraba.

Islaamka waa manhaj dhan iyo hannaan dhisaya qayb kasta oo nolosha kamid ah waayo waa risaaladii u dambeysay ee ka timaada xagga Rabbi. Islaamku wuxuu u dejiyey nidaam iyo xeer, oo u jeexay dhabo wanaagsan dhinac kasta nolosha, waana hannaan iyo hab nololeed sare iyo caqiido wanaagsanoo miro leh iyo camal fal. Haddaba annagoo ka faa’iideysano qalabka tiknoolajiyada ee Eebe isagaa mahadlehe bani aadamka u sikhiray inaan ka faa’iideysano ayaanu idiin soo diyaarinay kuliyadan wax barasho.

Nidaamkan oo 3 sano qaatay oo si wanaagsan loo soo diyaarshay, lana soo tijaabiyey oo dadkii aanu u bilownay aad uga mafsuudeen. Halkii ardayba hal Macallin ayaa kaligii wax u dhigaaya buuq iyo Caruur cidhiida midna majirto. Kharash gaadiid iyo socdaal kaaga baxaana ma jiro ee qofkastaa si raaxo leh ayuu wax u baranayaa.  Qoyskasta Macalin Khaasa oo isa soo diyaariyey ayaa Caruurta iyo waalidiinta meel wax ugu wada dhigaaya . Waa Macalimiin u tababaran sida Carruurta Dalalka aan Islamka ahayn ku nool Caqiidada iyo Tarbiyada dhaqanka Islaamka qalbigooda loo jeclaysiin lahaa oo lagu tarbiyaynlahaa, Jahligana looga cidhib tirilahaa.Toos baad uga baranaysaa diinta Macalimiin aqoon sare leh oo la soo xulay. Waa macalin soomaliya oo akhlaaqad iyo Dabeecad wanaagsan leh. Macalinkasta Gudi gaara ayaa soo xushay cilmigiisa & Khibradiisa Macalinimo. Heerka qofkastaa joogo ayaa looga bilaabaya. Waa Macalimiin ku takhasusay qaabka ugu sahlan ee qofka wax loo fahansiiyo. Macalinkasta waxaa loo taba baray qaabka qoys Islaam ah oo tayo leh loo dhiso, si bulshadeenu u gaadho horummar adduun iyo aakhiro. Rutii majiro wax badalikara macalinka taqiga ah ee u gudanayaa xilkiisa sidii Alle faray laakiin markii kaas la waayey ayaanu isdhi waa habka ugu dhadhow ee qofka islaamka ah wax loo bari karo. Waa  Qalab casriya oo aad moodo macalin ku horfadhiya ayaa wax lagugu barayaa.